Somaliland oo hubkii dib ugu rartay markabka MV Shakir

Image

February 3, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa saaka dib ugu celiyey markabka MV Shakir ee ku xiran dekedda Berbera hub iyo gaadiid dagaal oo laga dejiyey shalay oo Isniin ahayd.

Amarka dib loogu raray hubka waxaa sida Garowe Online wararka ku heleyso bixiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Dib u rarista hubka ayaa timi kadib markii ay xalay khadka telefoonka ku wada hadleen Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo

Al-bashiir wuxuu xaqiijiyey in hubkaas dowlada Sudan leedahay kana una wadey carwo hubka lagu soo bandhigo oo ku taalla dalka Imaaraadka Carabta.

Carwadaan ayaa bilaameysa Feb 22- Feb 26 iyadoo hubkaan la sheegey in lagu sameeyey dalka Sudan.

Dib u rarista hubka waxaa la bilaabay saqdii dhexe ee xalay, waxayna soo gaba gabowdey abbaare 7:00 subaxnimo ee waqtiga geeska Afrika.

Weli markabka MV Shakir kama furan dekeda Berbera, waxaase loo badinayaa in gelinka dambe ee maanta uu ka shiraacan doono.

Somaliland ayaa horay u sheegtay inaysan sii deyn doonin hubkan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo cidda iska leh iyo weliba meesha laga keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM