Somaliland oo ka laabatey go'aankii ay dib ugu celisey qaxootiga

Image

May 30, 2015 (GO)- Somaliland ayaa ka laabatey go'aankii ay May 24, 2015 ku joojisey qaabilaadda qaxootiga kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

Wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo shir-jaraa'id ku qabtey Hargeysa ayaa sheegey in Somaliland ka noqotey go'aankii ay horay u qaadatey ee ahaa inaysan qaabili doonin qaxootiga.

"markaan xaqiijiney in qaxootigu amni ahaan wax u dhimeyn Somaliland oo aan baaritaan badan sameyney, waxaan garanay inaan ogolaanno soo dhoweynta qaxootiga ka imaanaya Yemen" ayuu yiri.

Cali Siciid raygal ayaa sidoo kale sheegay in hay'adaha UNCHR iyo IOM ballan qaadeen inay Somaliland ka taageeri doonaan qaabilaadda qaxootiga islamarkaana dadkaas gaarsiinayaan gobollada ay ka soo jeedaan. 

Somaliland ayaa cambaareyn xooggan kala kulantey go'aanka ay dib ugu celisey qaxootiga, arrintaasoo dadka Soomaalidu si aad ah uga caroodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM