Somaliland oo ka walaacsan dhismaha ciidanka cirka Soomaliya

Image

December 5, 2015 (GO)- Somaliland ayaa walaac ka muujisay qorshaha Dowladda Turkigu waddo ee la doonayo in dib loogu dhiso ciidamadii cirka ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Cali Cadami ayaa sheegay in xilligan aysan munaasib ahayn in Soomaaliya yeelato ciidamo cirka ah, maadaama arrintaasi tahay mid halisteeda leh - waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cadami oo waraysi gaar ah siiyey wargeys Hargeysa kasoo baxa oo lagu magacaabo Dawan, wuxuu intaas raaciyey in Somaliland weli xusuusan tahay waxyeelladdii kasoo gaartey ciidamada cirka ee Soomaaliya.

"Waxan leenahay Dowladda Turkiga, Somaliland dhibkii hore ee kasoo gaadhay ciidanka cirka Soomaaliya mid kale ha ugu darinina...Dowladda Turkiga loogama fadhiyo in ay abaabusho halkii laga soo weerari lahaa Somaliland iyo inta lamid ah" ayuu yiri.

Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobollada koonfureed ee dalka, ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan -oo xilligaas ra'isul wasaare ahaa- iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah ku yimaadeen magaalada Muqdisho. 

Laga soo bilaabo waqtigaas, Dowladda Turkiga waxay xoojisey taageerada dhaqaale ee ay siiso Soomaaliya, inkastoo badi wax-qabadkeedu ku kooban yahay magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM