Somaliland oo musaafurisey saddex qof oo Kenyan ah

Image

February 22, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa maanta deegaanadiisa ka musaafuriyey saddex qof oo u dhashay dalka Kenya.

Taliyaha waaxda socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa VOA-da u sheegay in saddexdaas qof oo midkood haweeney tahay ay qaab sharci darro ah Somaliland kusoo galeen islamarkaana wateen aqoonsi dhakhtarnimo oo been abuur ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan dad kale oo iyagana la sheegay inay ka hawlgalaan deegaanno ka tirsan Somaliland kuwaasoo sida uu tilmaamay khatar ku ah caafimaadka bulshada.

Qabashada dadkan waxaa gacan ka geystey ururka xirfadleyaasha caafimaadka madaxa bannaan ee Somaliland.

Dowladda Puntland ayaa horay sidan oo kale deegaanadeeda uga musaafurisey dhowr qof oo dalka Kenya u dhashay, kuwaasoo badankoodu ka shaqeynayey goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay islamarkaana la xaqiijiyey inaysan aqoon caafimaad lahayn balse ay iska dhigayeen xirfadleyaal caafimaad iyaga oo watey cadeymo iyo shahaadooyin been abuur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM