Somaliland oo shaqada ka joojisey saddex hay'adood

Image

May 18, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu shaqada ka joojin doono saddex hay'adood oo kamid ah kuwa samafalka ee ka hawlgala deegaannada Somaliland.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha  hay'adaha caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed oo la hadlay idaacadda VOA, ayaa sheegay in hay'adaha ruqsadda lagala laabanayaa soo farageliyeen arrimaha siyaasadda ee Somaliland islamarkaana ka shaqeynayaan sidii qas iyo fawdo u dhici lahayd, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"beryahan waxad moodda in hay'adihii samafalku ay soo dhex galeen arimaha siyaasadda Somaliland, arrintaasoo ah mid aan wanaagsaneyn...iminka saddex hay'adood ayaa baaris lagu wadaa, tallaabo deg deg ah ayaanuna ka qaadeynaa" ayuu yiri.

Cabdifataax oo la weydiiyey magacyada saddexda hay'adood ee lasoo eedeeyey ayaa ka gaabsadey, wuxuuse xusey in lasoo bandhigi doono marka jawaab laga helo wadamadii ay ka yimaadeen oo qoraallo cabasho ah loo direy.

107 hay'adood oo isugu jira caalami iyo maxalli islamarkaana aanay ku jirin kuwa hoos taga Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa ku sugan Somaliland, mana ahan markii ugu horreysey ee Somaliland ay tallaabo caynkan ah qaaddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM