​Somaliya: Askar lagu dilay qarax bambaano

Image

JOWHAR- Saraakiil katirsan ciidamada dowladdaSomaliya ayaa xaqiijisay inay dhinteen ugu yaraan 4 askari, saddex kalena dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kadib markii mallayshiyaad hubaysan weerar bambaano loo adeegsaday ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin degamada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Mallayshida ayaa dhowr bambo gacmeed ku tuuray saldhigaas oo ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha degmada Jowhar oo qiyaastii ilaa 15KM u jira magalada.

Dhaawaca ciidamada, ayaa lagu dabiibayaa xarun caafimaad oo ku taalla magaladaasi, waxaana socda baaritaano kala duwan oo lagu xaqiijinayo cidda weerarka ka dambaysay.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaasi, waxaase lagu tuhmayaa ururka Shabaab inay ka dambeeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM