Soomaaliya: Al-Shabaab oo Qorsheynaya Weeraro

Image

WASHINGTON DC — Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helanay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay qorshayanayaan weerraro inay ku qaadaan xarrumaha muhiimka ah ee ay ku sugan yihiin dadka ajanaibta ah gaar ahaan dadka reer galbeedka. 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay doonayaan in weeraradan ay uga aargutaan duqeymo iyo howl-gallo dhacayey dhowaanahan oo saraakiil sare looga dilay kooxda. 

Goobaha laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraraan waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha, gaadiidka hawada, xarumaha dowladda iyo hoteellada ay ku sugan yihiin ajaaniibta iyo madaxda dowladda Soomaaliya. 

Arrintan ayaa timid laba maalmood kadib markii dawladda Maraykanka ay sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya sababtoo ah weerarro laga yaabo inay Al-Shabaab qaaddo.

VOA

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM