Soomaaliya: Ciidamada Milatariga oo Howlgallo Fuliyay 

Image

Muqdisho – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Isniintii shalay bilaabay howlgallo cusub oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo xoojinaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo milatari, ciidamada ayaa subaxnimadii Isniinta ku sii qulqulay Ruun-Nirgood, iyagoo iskaashanaya ciidamo deegaanka ah.

Ilo-wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in dhowr goobood oo ay Al-Shabaab ku sugnayd ayaa la burburiyay intii lagu guda jiray howlgallada, iyadoo la soo sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka baxeen deegaankaas.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa Maanta dib ula wareegay deegaanka Aboorey oo katirsan gobolka Hiiraan kadib markii ay Al-Shabaab faarujisay, waxaana Kooxda sidoo kale lumisay tuulooyin kale oo muhiim ah, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Howlgalka ayaa ahaa mid Ciidamada dowladda guul ka gaareen, iyadoo dib u qabsadey deegaanka oo ku yaalla goob istaraatiiji ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM