Soomaaliya: Ciidamada Milatariga oo Howlgallo Fuliyay 

Image

Muqdisho – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Isniintii shalay bilaabay howlgallo cusub oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo xoojinaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo milatari, ciidamada ayaa subaxnimadii Isniinta ku sii qulqulay Ruun-Nirgood, iyagoo iskaashanaya ciidamo deegaanka ah.

Ilo-wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in dhowr goobood oo ay Al-Shabaab ku sugnayd ayaa la burburiyay intii lagu guda jiray howlgallada, iyadoo la soo sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka baxeen deegaankaas.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa Maanta dib ula wareegay deegaanka Aboorey oo katirsan gobolka Hiiraan kadib markii ay Al-Shabaab faarujisay, waxaana Kooxda sidoo kale lumisay tuulooyin kale oo muhiim ah, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Howlgalka ayaa ahaa mid Ciidamada dowladda guul ka gaareen, iyadoo dib u qabsadey deegaanka oo ku yaalla goob istaraatiiji ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ciidamo cusub u diraya Baydhabo si ay u difaacaan Aadan Madoobe

Xoogagga mucaaradka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer weerarro ka geystay duleedka Baydhabo.

  • Soomaliya

    09-09-2026

  • 04:36PM

Xiisadda Koonfur Galbeed iyo eedeymaha loo jeediyay Turkiga

Turkigu wuxuu muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya, isagoo taageero ka geysta dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    08-09-2026

  • 06:24PM