Somalia iyo Italy: "Dalkii la gumeysan jiray oo caawinaya gumeystaha"

Image

ROMA, Italy – Warbaahinta dalka Talyaaniga ayaa siyaabo kala duwan waxay u falanqeysay dhakhaatiir ay Dowladda Soomaaliya shaacisay in ay u direyso Italy si ay qeyb uga noqdaan ololaha ka hortaga Coronavirus.

Wargeyska La Stampa oo kamid ah jaraa'idada ugu afka dheer wadankaas ayaa sheekadaas ka sameeyay warbixin hadalheyn xoog badan dhalisay.

Qoromada jaraa'idka waxaa ciwaan looga digay: "20 dhakhtar oo Soomaali ah oo diyaar u ah in ay yimaadaan Italy: Xili uu jiro Coronavirus, kii la gumeysan jiray ayaa caawinaya gumeystaha".

Talyaaniga ayaa gumeystay koonfurta Soomaaliya, halka waqooyi ay gacanta ku haysay Britain, iyaddoo Jabuuti uu maamulayey Faransiiska.

Xirfadlayaasha caafimaad waxaa ka direysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidda ay xaqiijisay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka federaalka.

Kadib halgan dheer oo dad badan ay ku dhinteen qaar kelana ku barakaceen, Soomaaliya ayaa xorriyadeeda soo ceshatay sanadkii 1960-kii.

Shirkii Berlin ee dhacay 1884–85 kaas oo wadamada Yurub ku qeybsadeen dalalka qaarada Afrika ayay Roma ku qabsaday wadamo ay kamid tahay Soomaaliya isla markaana uu gacanta ku hayey muddo dheer.

Kiisaska Covid—19 ee Talyaaniga ayaa ka badan 100-kun, iyaddoo dhimashadda ay ku dhow dahay 15-kun oo ruux, kuwaas oo badankooda ah dad waayeel ah, sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay todoba kiis oo laba kamid ah ay yihiin ajaaniib ku sugan Muqdisho; dhanka Somaliland waxaa laga soo wariyey laba kiis oo midkood uu Shiinees yahay, wallow Muqdisho ay shaki gelisay.

Coronavirus ayaa guud ahaan caalamka oo idil kusoo ritay in ka badan hal milyan oo qof, iyaddoo ay u dhinteen ku dhowaad 50-kun kale, waxaana kasoo kacay in ka badan 150-kun, sidda ay shaacisay hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM