Soomaaliya oo laga cafiyey qeyb kamid ah deyntii lagu lahaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in waddanka laga cafiyey 1.4 billion doollar oo kamid ah deynta lagu leeyahay qaranka oo dhan $5.2 bilyan.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda, ayaa sheegay in talaabadaan ay ka dambeysay markii wadahadalo ay la galeen dalalka ku midoobay Naadiga Paris oo leh saamiga ugu badan.

"Waa taariikh kale oo baal dahab ah u galeysa bulshada Soomaaliyeed maadaama Naadiga Paris ay naga cafiyeen deyn dhan 1.4 billion Dollar," ayuu Bayle kusoo qoray bartiisa gaar aha ee Facebook.

Wuxuu hadalkiisu intaas ku daray: "Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan wadamada Paris club ee Soomaaliya ku garab istaagay dib-u-habeynta iyo horumar ka Maaliyadda dalka".

War-saxaafadeed kasoo baxay dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ayaa lagu xaqiijiyey sheegashada xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Bayaanka ayaa wuxuu intaas ku daray in tani ay daba socoto guusha barta go'aan qaadashada ee Soomaaliya ay gaartey, bishii lasoo dhaafey.

Warka qoraalka ah ayaa lagu rajeeyay in Soomaaliya ay gaarto barta gunaanudka oo ah meesha kama dambeysta ah ee lagu dhaafi doono deymaha kale ee baaqiga u ah dalka dhaca Geeska Afrika.

Barta gabagabada ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay qaadan doonto ugu yaraan saddex sano, halka ugu badnaan ay qaadan karto 16-sano, marka laga tusaale qaato wadamadii horey uga gudbay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM