Sugida amniga magaalada Muqdisho oo labo loo kala qaybiyey

Image

MUQDISHO — Sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa loo kala qeybiyey oo loo kala xil saaray laba hay’adood, sida lagu sheegay war maanta kasoo baxay wasaaradda aminga gudaha.

Cabdi Kaamil Macallin Shurkri, oo ah afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ayaa maanta warfidiyeenada u sheegay in magaalada loo kala qeybiyey laba qeyb, oo qeyb ay maamuli doonaan booliiska, qeybna ciidamada nabad sugidda. 

Booliiska ayaa sugi doona inta u dhaxeysa Liido illaa Ex-Kontrool, halka ciidamada nabad sugidda ay sugi doonaan amniga jidadka waa weyn ee soddonka, wadnaha, iyo warshadaha ee magaalada Muqdisho. 

Afhayeenku waxa uu sheegay in hay’ad kasta si gooni ah loogula xisaabtami doono amniga goobaha lagu ogyahay inay sugto. Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay kormeer ku maray qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Talaabada kala qaybinta amniga magaalada Muqdisho ayaa timid maalmo kadib markii wasaarada amniga mas'uuliyada sugida amaanka  Banaadir ku wareejisay maamulka gobolkaas Tabasco keentey eedymo badan oo ka yimid dhincayda kala Duwan ee bulshada.

Ururka Al-shabaab ayaa kor u qaadey weerarada uu ku hayo ciidamada amaanka halka qaraxyo ku weeraro goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdishu.

Dowlada Mareykanka ayaa war kasoo baxay lagu sheegey in duqeyn u gaysatay xero lagu tababaro ciidamada Al-shabaab halkaasoo sheegtey in ku dileen 150 kamid ah dagaal yahanadeeda.

VOA+ GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM