Talaabo ka dhan ah ciidanka aan kamid ahayn AMISOM oo la codsaday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran oo war-saxaafadeed kasoo saartay ciidamadda dalka jooga ee aan kamid ahayn AMISOM ayaa soo dhaweysay mudo kordhintii dhowaan loo sameeyay howlgalka.

Muddo kordhinta oo uu sameeyay Golaha Ammaanka UN-ka ayaa loo cuskaday in ay qayb ka noqdaan dedaaladda lagu sugayo ammaaanka doorashooyinka aan lagu heshiin ee qorshuhu yahay in ay dhacaan 2020-21.

Xilli muddo kordhinta la sameeyay 29-ka May, 2020 waxaa la filayaa in ay dhamaato 28-da bisha Febraayo ee sanadka soo aadan ee 2021.

Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM waxaa ciidamo ku tabarucay dalalka; Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burundi.

Dhanka kale, Madasha ayaa mar kale ka codsatay Golaha Ammaanka Qaramadda Midoobay iyo Midowga Afrika in ay baaraan joogitaanka ciidanka aan kamid ahayn AMISOM ee ku sugan gobolada wadanka.

Joogitaanka "sii kordheysa" ee ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn taliska ayay tibaaxeen in ay xadgudub ku tahay madax-banaanida dalka iyo qaraarka cunaqabateynta hubka ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Sidda lagu xusay bayaanka, ciidamadaas ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka geystay xadgudubyo iyo falal xasilooni darro abuuris ah. Itoobiya ayay sheegeen in ay taariikh fool xun ku dhex-leedahay dadka iyo Soomaalida.

Golaha Ammaanka ayay mar kale ka dalbadeen in si madax-banaan loo xaqiijiyo joogitaanka ciidanka iyo in ay qaadaan talaabooyin lagu hubinayo in ay wali jirto madax-banaanida iyo xorriyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, golaha ammaanka ayay kaga mahadceliyeen baaqoodii ku socday dowladda federaalka ee ku aadanaa wadahadal ay maamulada iyo saamileyda kala gasho doorashooyinka iyo in ay xormeyso dastuurka.

QORAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM