Taliska AMISOM oo ka hadlay khasaarihii weerarka

Image

December 26, 2014 (GO)- Taliska AMISOM ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar shalay Al-shabaab ku qaadey xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaasoo saldhig u ah taliska guud ee ciidanka AMISOM.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarka 9 qof ku dhinteen kuwaasoo kala ahaa 5 kamid ah kooxdii weerarka soo qaadey, 3 askari oo ciidanka AMISOM ka tirsanaa iyo qof shacab ah.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka AMISOM fashiliyeen weerarka maadaama kooxda soo qaadey laga hor joogsadey inay u gudubto goobo muhiim ah oo ka tirsan xerada.

Taliska AMISOM ayaa ugu dambeyntii sheegay in nolosha lagu qabtey saddex kamid ah kooxdii weerarka soo qaadey.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qaado saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM