​Taliyaasha ciidamada Somalia iyo Masar oo kulmay

Image
Image
Image
Image

QAAHIRA- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Masar, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Qaahira, Taliyaha guud ee Ciidanka dalkaasi  Sareeya Guud Mohamud Hijaali iyo Saraaakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida. 

Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Masar iyo Somalia, waxaa kale oo ay isla soo qaadeen qaabkii loo xoojin lahaa taageerada dhanka ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Somalia. 

Maxamed Aaden Axmed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka sida ee dalkaas, wuxuna  tilmaamay  in booqashadani sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada waddan, isagoo xusay Masar taariikh fog oo iskaashi ciidan ah in uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

“Waxaan u mahadceliyaa Dawladda iyo Shacabka Masar sida diiran ee aniga iyo wafdigii ila socday ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen, safarkan waa midkii ugu horeeyey ee intii aan xalka hayay dibedda ku imaado, waxana aan ku imid Masar, taas oo cadeynaysa sida ay nooga go’an tahay in xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca ciidamada kor loo qaado,”Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia.

Wuxuu intaasi ku daray taliyuhu “Masar waa halkii aan ugu baxay kuliyadda dagaalka 1969-kii dufcadii 55-aad, waana saaxiibka koowaad ee Soomaaliya".

Taliyaha guud ee Ciidanka  Xoogga dalka Masar, Sareeya Guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska ciidanka xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM