Taliyada ciidanka xogga dalka Somalia oo kormeero sameeyay

Image

24 November, 2015(GO)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Aaden Axmed oo wehelinayaa saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland, ayaa maanta booqasho ku tagay goobo fariisin u ah ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee gobolkaasi ku sugan.

Sareeyo Guuto Maxamed, ayaa shalay gaaray magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland, waxaan goobaha uu tagay ka mid ah, dugsigii hore ee ciidamada cirka Somalia oo hadda saldhig u ah ciidamo katirsan daraawiishata Jubbaland, sidoo kale wuxuu kormeeray dugsigii 43-aad ee ciidamada xoogga dalka oo hadda saldhig u ah ciidamada isku dhafka ah.

Taliyaha ayaa intii uu ku jiray kormeerka wuxuu u kuur gelayey xaaladda dhabta ah ee ku nool ciidamada, isaga oo mid mid u waraysanaayey askarta.

Maxamed Aadan oo kormeerka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu tagayo dhammaan goobaha ku suganyihiin ciidamada Somaliyeed, maadama uu xilka ku cusubyahay.

Wuxuu tilmaamay in ciidamadu helaan xuquuqdooda helayeen labadii bilood ee u dambaysay, isagoo u mahadceliyay dowladaha ka taageera dhinaca mushaharaadka.

Saraakisha AMISOM oo la kulmay ayuu tilmaamay inay ka wada hadleen wajibaadka saaran ee ah inay difaacaan dalka Somalia.

Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Axmed, ayaa tilmaamay inuu booqan doono xerada ciidamada daraawiishta Puntland ee 54-aad.Halkan ka daawo

Ma caddayn taliyuhu xilliga uu booqanayo maamulka Puntland, balse waxa uu sheegay inay ka shaqayn doonaan xiriirka iyo wadashaqaynta ciidamada Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM