​Taliyaha Booliska Somalia oo ku biiray Ololaha doorashada Xasan Sheekh [DHAGEYSO]

Image
Image

MUQDISHU, Somalia-  Taliska Booliiska Somalia, ayaa ku biiray ololaha doorashada Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, kadib markii xubno aad ugu dhow ay kusoo baxeen doorashooyinkii labada aqal ee ka dhacay maamul goboleedyada dalka qaybtood.

Taliyaha ciidamada Booliiska Somalia, Jen Maxa'ed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa goob fagaaro ah ka sheegay inay jiraan Saraakiil Bilays ah oo ku jira labada Aqal ee Barlamanka waddanka kuwaasoo codadkooda ku tashan doono madaxweyne Xasan.

Xaamud oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Aas-Aaska ciidamada Booliiska Somaliyeed oo shalay ka dhacday Muqdishu, ayaa cadeeyay in codadkaasi oo matalaya ciidamada Booliiska meel loo dhigay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Dadka taliyuhu magac dhabay, waxaa kamid ah; Cabdi Qaybdiid, Shariif Sheekhuna Maye iyo Maxa'ed Ibraahim Cabdi Daayeeshe.

Daayeeshe, waa Sarkaal Booliska oo kamid ahaa xubno dhawaan uu dalacsiiyay Xasan Sheekh.

"Mudane Madaxweyne Baarlamaanka Labadiisa aqal waxaa ku jiro Saddex Sarkaal oo Boolis ah, kuwaasi oo aad ku tashanayso codadkooda inay ku siin doonaan Doorashada Madaxweyne," Ayuu yiri Xaamud.

Jen Cabdi Qaybdiid iyo Shariif Sheekhuna Maye waxay soo qabteen Xilka Taliyaha ciidanka Booliska Somalia dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, iyagoo ku kala biiraan Labada Aqalka ee Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Taliyaha Booliska Somalia Jen Maxa'ed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in Codadka Taliyaashan ay yihiin Codka Booliska oo ay ku taageerayaan Ololaha Doorashada Xasan Sheekh.

Arrintan, ayaa soo ifbaxday xilli la sheegay in Taliyaha ciidamada Booliiska Jenaral Xaamud uu kamid yahay koox siyaasadeed madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh, kaasoo dadaal ugu jira sidii uu mar labaad u hanan lahaa tala waddanka doorashada la filayo inay dhacdo sannadka soo socda ee 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM