Taliyaha ciidamada Jabuuti oo booqdey magaalada Beledweyn

Image

February 19, 2015 (GO)- Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti Gen. Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa wafdiga taliyaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA, wuxuu Gen. Zakariye kaga warbixiyey ujeedada socdaalka uu xilligan kusoo gaarey Somaliya isagoo sheegay inay salka ku hayso sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.

Booqashada taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti ku yimid Beledweyne ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii boqollaal askari oo dalkaas ka socdaa  gobolka Hiiraan soo gaareen.

Dowladda Jabuuti waxay hawlgalaka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM kusoo biirtey sanadkii 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM