Taliyaha ciidamada Jabuuti oo booqdey magaalada Beledweyn

Image

February 19, 2015 (GO)- Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Jabuuti Gen. Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa wafdiga taliyaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA, wuxuu Gen. Zakariye kaga warbixiyey ujeedada socdaalka uu xilligan kusoo gaarey Somaliya isagoo sheegay inay salka ku hayso sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda ciidamada dalka Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.

Booqashada taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti ku yimid Beledweyne ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii boqollaal askari oo dalkaas ka socdaa  gobolka Hiiraan soo gaareen.

Dowladda Jabuuti waxay hawlgalaka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM kusoo biirtey sanadkii 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM