Deeq gaadiid oo la gaarsiiyay Booliska Jubbaland

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Maamulka Jubbaland ayaa la wareegay Afar gaari oo nooca Booliska loogu tala galay, kuwaasi oo uu soo gaarsiiyay taliyaha ciidanka Booliska Somalia.

Deeqdan ayaa la sheegay in hordhac u tahay kuwa kale oo ay leeyihiin Booliisku, waxaana kala wareegay wasiirka wasaaradda amniga iyo arrimaha gudaha Gen.Maxamed Darwiish, isagoo ka mahad celiyay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somalia Sareeya Gaas, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin qaabkii loo midayn lahaa shaqada ciidanka Booliska Somaliyeed, isagoo xusay in deeqdani ka dambeeyaan kuwa kale oo loogu talagalay ciidamada.

Xaamud ayaa kormeero ku tagay dhawaan maamul goboleedyada Somalia, isago u kuur galay qaabka ay u shaqeeyaan Boolisku.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM