Taliyaha ciidanka Somalia oo la kulmay saraakiisha AMISOM

Image
Image
Image

05 January, 2016(GO)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Sareeya Gaas Maxamed Aaden Axmed oo wehiliyo abaanduulaha ciidanka iyo saraakiil kale ayaa la kulmay taliska ciidamada AMISOM ee Somalia.

Kulanka ayaa looga hadlay qaabkii la isaga kaashan lahaa howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab kaasoo laga fuliyo Somalia sannadkan 2016, wuxuuna taliyuhu sheegay inay rajaynayaan dalka oo laga sifeeyay kooxaha argagixisada.

“Kulanka aynu maanta yeelannay ujeeddadiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in sannadkan 2016-ka, Somalia oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan,” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga Somalia.

Shirka saraakiisha ciidamada ayaa imaanaya xilli ay jiraan weeraro kooxda Al-Shabaab ka gaysanayso qaybo kamid ah Koonfurta Somalia kuwaas oo la beegsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM