Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir oo xilka laga qaadey

Image

MUQDUSHU, Somalia - Waxaa maanta oo Sabti ah xilka laga xayuubiyay Taliyihii Nabada Sugida Gobolka Banaadir Cabdi Xakiim Fareey, xilli magaalada Muqdishu ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Maxamed Xasan Faarax (Faranfar), ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida gobolka Banaadir, waxaana mas'uulkaan cusub mudo kusoo dhex-jiray howlaha Sirdoonka. 

Macluumaad hoose oo Warsidaha Garowe Online helay, ayaa sheegay sababta Xilka looga qaadey Cabdi Xakiim Fareey ay tahay inay isku Heeb (Qabiil) yihiin Jen Gaafow oo ah Taliyaha Guud ee Sirdoonka Somalia (NISA).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud, ayaa dhawaan soo saarey amar ah inaan wax Xilka ka qaadis ama magacaabis la samayn karin inta lagu guddo jiro marxalada kala guurka iyo Doorashooyinka 2016. 

Hay'adda NISA ayaa yeelatay dhowr Taliye intii mudadii afarta sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dhawaad (September 10) waqtigiisa sharciga ah uu ka dhamaaday.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM