​Taliye Cali Gaab oo iscasilay

Image

MUQDISHU- Taliyaha guud ee qaybta Booliiska gobolka Banaadir ee dalka Somalia, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu jagadaasi iska casilay xillii uu waramayay mid kamid ah Idaacadaha magalada Muqdishu.

Jen. Cali Xirsi Barre, ayaa tilmaamay inuu go'aan ku gaaray ka tagista shaqadaasi oo sannadkii hore u magacaabay taliyaha ciidanka Booliiska Somalia, wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan arrimo ku cadaadiyay go'aankaas.

“Waxaa idin cadeynayaa inaan ka tagay shaqadii Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ma jirto cid igu qasabtay, mana jirto qof aan dacwo ka ahay,”Ayuu yiri Cali Gaab.

Wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay la shaqaynta Booliiska iyo laamaha kala duwan amniga caasumadda Somalia, isagoo xusay inu ku faraxsanyahay waqtigii uu lasoo qaatay ciidanka.

Cali Gaab, ayaa sidoo kale xusay in Booliiska gobolkaasi hayaan howl aad u muhiim ah, wuxuuna ugu baaqay inay sii laba jibaaraan.

Taliyaha iscasilay, ayaa xilal kala duwan gobolkaasi kasoo qabtay, wuxuuna booskan kahor soo ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Banaadir.

Lama ogo sababta rasmiga ah ee ka dambaysa iscasilaadiisa, balse waxay kusoo beegmaysaa xilli inta badan caasumadda Somalia, ka dhacaan falal amni darro oo qaybtood dad badan lagu laayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM