​Taliye nabad sugidda katirsan oo Cadale lagu dilay

Image

CADALE- Taliye ku-xigeenkii ciidanka nabad sugidda degmada Cadale gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xalay lagu dilay magaladaasi, kadib muran soo kala dhex galay mid kamid ah ciidamada degmada.

Ibrahim Maxamed Waraabe, ayaa dhintay kadib markii ay is afdhaafeen mid kamid ah ciidamada uu horjoogaha u ahaa, waxayna isku khilaafeen howl gal ciidanka loo diray.

Ninkii sarkaal dilay, ayaa laftiisa xalay lagu dilay degmada Cadale, waxaana qudha ka jaray ciidamada nabad sugidda oo falka kadib raacdeystay.

Xaaladda magalada ayaa degan, waxaana la filayaa in labada ninba lagu aaso degmada Cadale oo xalay falkaasi ka dhacay.

Majirto, wax war ah oo kasoo baxay taliska nabad sugidda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM