Taliyihii booliska Dowlada Federaalka oo aas qaran loo sameeey

Image
Image
Image
Image
Image

November 2, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey taliyihii booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Shiikh Xasan oo sadex maalmood kahor isla magaalada Muqdisho ku geeriyoodey.

Aaska waxaa ka qayb galay madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka sida: Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Sidoo kale waxaa aaska ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaano, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah ehelada Jen. Maxamed Shiikh Xasan.

Meydka taliyaha oo labo maalmood kahor loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya si baaritaan loogu sameeyo isla maanta ayaa Muqdisho loogu soo celiyey. Baaritaan ayaa lagu soo sameeyey meydka maadaama laga shekiyey inuu si dabiici ah u geeriyoodey iyo in kale.

Dowladu ma shaacin natiijada kasoo baxday baaritaankaas haseyeeshee wararka madaxa banaan ee warbaahintu heleyso ayaa muujinaya in taliyuhu si dabiici ah u geeriyoodey kadib markii naqasku ku xirmay.

Jen. Maxamed Ismaaciil oo bishii July ee lasoo dhaafay xilkaas loosoo magacaabay wuxuu Khamiistii ku geeriyoodey isbitaalka Umadda ee magaalada Muqdisho. Geeridiisa oo sheki badan dhalisay waxaa looso qabtay in ka badan sodon qof oo dhaqaatiir iyo kaalkaaliyeyaal caafimaad ku jiraan.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa si kumeel gaar ah taliyaha booliska ugu soo magacaabay Jen. Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM