Taliyihii booliska Dowladda Federaalka oo geeriyoodey

Image

October 30, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ku geeriyoodey taliyihii booliska Dowlada Federaalka  Jen Maxamed Xasan Ismaaciil.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in taliyuhu u geeriyoodey xanuun dhanka wadnaha ah oo si kedis ah u haleelay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in taliyuhu geeriyoodey daqiiqado kadib markii la gaarsiiyey Isbitaalka Umadda.

Dowladdu weli kama hadlin geerida taliyaha waxase la filayaa in saacadaha soo socda mas'uuliyiinta dowladda ugu sareeyaa ka ka tacsiyeeyaan.

Bishii Julay ee lasoo dhaafay ayaa Jen Maxamed Xasan Ismaaciil loosoo magacaabay taliyaha guud ee booliska Dowladda Federaalka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM