​Tarsan oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu u diiday Aqalka hoose

Image

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna Musharax Madaxweyne Doorashada 2016 ayaa sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maxa'uud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in tartanka Xildhibaanimo loo diiday kadib markii Madaxweynaha Waqtiga ka dhaammaday Xasan Sheekh Maxa'uud uu siiyay Ugaaska Beeshiisa lacag aad u badan, sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan wuxuu ku eedeeyay MD Xasan Sheekh inuu musuq-maasuq ku samayanayo Odyaasha dhaqanka iyo Ergada Doorashada Aqalka hoose, si uu ugu guuleysto Doorashada dadban ee soo socoto.

"Xasan Sheekh ma uusan Musuq-maasuqin oo kaliya Nidaamka Siyaasadda dalka, ee wuxuu sidoo kale musuq-maasuqay Odiyaasha Dhaqanka, Ergada Doorashada iyo Masiirka Umada Soomaaliyeed," ayuu yiri Tarsan.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku tilmaamay Doorashada aqalka hoose, mid u afduuban Xasan Sheekh, islamarkaana qof aan isaga la dhinac ahayn uusan u tartami karin Kursiga Xildhibaanimo.

Tarsan hadalkiisa ayaa kusoo beegmayo xilli ay jiraan Cawashooyin badan oo ku aadan Musuq-maasuq lagu samaynayo Doorashada Aqalka hoose, taasoo Villa Somalia lacag badan ku bixinayso si ay u guuleystaan Siyaasiyiinta ku dhaw Xasan Sheekh.

Doorashooyinkii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay Cadaado iyo Jowhar waxaa kusoo baxay Rag ay xulufo yihiin Xasan Sheekh Maxa'uud, kuwaasi oo ay kamid yihiin Faarax Cabdulqaadir, Odowaa,  iyo Sanbaloolshe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM