Telefishinka SNTV oo xayiraaddii laga qaadey

Image

May 19, 2015 (GO)- Puntland ayaa xayiraaddii ka qaaddey xafiisyada Telefishinka SNTV oo maanta muddo kooban shaqada laga joojiyey.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Qoob-deero oo isagu soo saarey amarka shaqada looga joojiyey TV-ga ayaa idaacadda VOA u sheegay in SNTV laga qaadey xayiraadda kadib markii maamulkiisu la soo xiriireen dowladda, raalli gelinna ka bixiyeen khaladkii ay galeen. Akhriso sababta loo xirey SNTV

Qoob-deero ayaa sidoo kale sheegay in isla maanta uu la kulmey qaar  kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala gobolka Bari, kuwaasoo ka codsadey dowladda in telefishinka la fasaxo maadaama wariyihii warka direy uu khaladkiisa qaatey raalli gelinna ka bixiyey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee Puntland shaqada ka joojiso mid kamid ah telefishinada Soomaalida. Horay waxaa muddo kooban Puntland shaqada uga joojisey telefishinada Universal iyo Somali Channel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM