​Tirada dhimashada Qaraxa Muqdishu oo korodhay

Image

MUQDISHU, Somalia- Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxay Qarax khasaaro gaystay oo maanta 11December, 2016 ka dhacay magaalada Muqdishu, ayaa sheegaysa in tirada dhimashada iyo dhaawacu korodhay iyadoo waxyeellada ugu badan soo gaartay dad shacab ah.

Cusbitalka Madiina ee magaalada Muqdishu, ayaa la dhigay maydka 21 ruux iyo dhaawaca 28 qof oo kusoo waxyeelloobay qarax ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdishu.

Tirada guud ee dhimashada weerarkaas ayaa lagu sheegay 25 qof iyo dhaawaca 40 kale.

Ururka Al Shabaab oo ka dambeeyay Qaraxan, ayaa barahooda Internetka ku baahiyay in weerarka ku dileen 30 qof.

Goor sii horaysay mar Afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane uu la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in weerarkaasi waxyeello kasoo gaartay dad maato aan waxbo galabsan, isagoo intaas ku daray in qaraxaasi aysan ku dhiman Askar katirsan ciidankooda.

Madaxweynaha Somalia ee waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, ayaa weerarkan cambaareeyay isagoo shacabka iyo ciidanka amniga ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa, wuxuu ugu yeeray "kooxaha sida gaarka ah u bartilmaameedsada goobaha shacabka".

Amniga magaalada Muqdishu ayaa faraha ka baxay, waxaana mallayshiyada Shabaab weerarkan kusoo aadisay xilli la sheegay in bishan dhammaadkeeda is-badal dalka ka dhici doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM