Tirada xildhibanaada Barlamanka Jubland oo la kordhiyey [Dhagayso]

Image

Sept 10, 2015 (GO)- Golaha wakiilada Jubbaland ayaa  lagu daray 10 xildhibaan oo kamid noqonaya Barlamanka maamulkaas sida lagu cadeeyay qoraal kasoo baxey xafiiska madaxwayne Axmed Islaan "Axmed Madoobe".

Qoraalkaan oo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheeegy in xildhibanada Barlamanka Jubaland oo tiradooda ahaan jirtey 75 lagu  toban kale taasoo tirada guud ka dhigeysa 85 xubnood.

Kordhinta xildhibanadaan ayaa imaaneysa kadib markii madaxda sare e maamulkaas cadaadis kala kulmeeyn bilihii lasoo dhaafey beesha caalamka iyo dowlada Federaalka Somalia. 

Lama oga in tirada la kordhiyey xildhibanadaan xalineyso cabashooyinka beelaha sheeganaya in cadadkii xubnaha ay xaqa u laaheen ka helin tirada golaha Barlamanka oo aheyd 75 xubnood.

Warar warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in xildhibanadaan la kordhiyey intooda badan ka imaaneyso beelaha la yiraahdo Digil iyo Mirifle kuwaasoo sheegeya in degaano ka tirsan Jubaland wax ka dagan yihiin.

Dowlada Federaalka iyo Barlamanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa horey uga horyimid dhismaha golaha Barlamanka Jubaland oo dhowana afar sano ee cusub u doortey xilka madaxweyne Axmad Madoobe. 

Kordhinta xildhibanaadaan ayaa ku soo beegmeysa maalmo ka hor caleemo saarka loo sameynayo doorashada madaxweyne Axmad Madoobe dhowaan Barlamanka maamulkaas cod aqlabiyad ah kaga guuleystey xubnihii la tartamney.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM