Tirada xildhibanaada Barlamanka Jubland oo la kordhiyey [Dhagayso]

Image

Sept 10, 2015 (GO)- Golaha wakiilada Jubbaland ayaa  lagu daray 10 xildhibaan oo kamid noqonaya Barlamanka maamulkaas sida lagu cadeeyay qoraal kasoo baxey xafiiska madaxwayne Axmed Islaan "Axmed Madoobe".

Qoraalkaan oo nuqul kamid ah soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheeegy in xildhibanada Barlamanka Jubaland oo tiradooda ahaan jirtey 75 lagu  toban kale taasoo tirada guud ka dhigeysa 85 xubnood.

Kordhinta xildhibanadaan ayaa imaaneysa kadib markii madaxda sare e maamulkaas cadaadis kala kulmeeyn bilihii lasoo dhaafey beesha caalamka iyo dowlada Federaalka Somalia. 

Lama oga in tirada la kordhiyey xildhibanadaan xalineyso cabashooyinka beelaha sheeganaya in cadadkii xubnaha ay xaqa u laaheen ka helin tirada golaha Barlamanka oo aheyd 75 xubnood.

Warar warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in xildhibanadaan la kordhiyey intooda badan ka imaaneyso beelaha la yiraahdo Digil iyo Mirifle kuwaasoo sheegeya in degaano ka tirsan Jubaland wax ka dagan yihiin.

Dowlada Federaalka iyo Barlamanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa horey uga horyimid dhismaha golaha Barlamanka Jubaland oo dhowana afar sano ee cusub u doortey xilka madaxweyne Axmad Madoobe. 

Kordhinta xildhibanaadaan ayaa ku soo beegmeysa maalmo ka hor caleemo saarka loo sameynayo doorashada madaxweyne Axmad Madoobe dhowaan Barlamanka maamulkaas cod aqlabiyad ah kaga guuleystey xubnihii la tartamney.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM