​Turkish Airline oo duulimaadkeeda Muqdishu dib u bilowday

Image
Image
Image

MUQDISHU- Diyaaradda laga leeyahay dalka Turkiga (Turkish Airline), ayaa maanta muddo kadib soo caga dhigatay magalada Muqdishu xarunta Somalia iyadoo waday rakaab kuwa kalena u qaatay magaalooyinka Jabuti iyo Istanbul.

02 Febraayo, 2016 ayaa diyaaraddan duulimaadkeeda Somalia hakisay sababo amni darteed, kadib markii la qarxiyay Daalo Airline oo Jabuti ku sii jeeday.

Qaraxaasi oo ay ka dambeeyeen ururka Shabaab, ayaa lala damacsanaa Turkish Airline oo ah diyaaradda kaliya ee caalami ah Muqdishu timaada.

Xilliga weerarkaasi dhacay diyaaraddan ayaa joogtay Jabuti, waxayna dalbatay in rakaabka loogu keeno dalka Jabuti, kadib markii ay heshay xog ku saabsan xaaladda amniga.

Wadahadallo dhexmaray mas'uuliyiin katirsan labada dal ayaa keentay inay dib u bilaabaan shaqadooda Somalia, waxaase la adkeeyay ammaanka garoonka Aadan Cadde iyadoo baaritaano xooggan lagu samaynayay dadka ka dhoofaya.

Qaraxii daalo oo loo adeegsaday Laptop, ayaa saamayn ku yeeshay duulimaadyada kala duwan ee Somalia, waxaana dadka safrayaa la kulmaan baaritanno xooggan kuwaasi mararka qaybtood keenay inay ka haraan duulimaadka sababo la xiriira aaladaha ay wadaan ee ku dhex shaqayn waaya garoomada.

GAROWEONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM