Ugaas Cabdiraxmaan oo ku geeriyooda Baladweyne gobolka Hiiraan

Image

03 January, 2015(GO)-Allaha u naxariistee waxaa maanta magalada Baladweyne ku geeriyooda Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaanay gobolka isla markaana ku guda jiray xallinta dagaal beeleed ka taagan xarunta gobolka Hiiraan.

Ugaaska ayaa u geeriyooday xanuun ku soo booday xilli uu fadhiyay madal looga hadlayay xal u helista khilaafka beelaha, waxaana loola cararay cusbital ku yalla magalada halkaas oo ugu dambayn ku nafwaayay.

Allaha u raxmadee, marxuumka ayaa kamid ahaa waxgaradka laga qadariyo gobolka islamarkaana ka ahaa xubin fir fircoon duubka, wuxuuna hadda faraha kula hiray qaabkii loo dhammayn lahaa dagaal soo noq noqday oo dad badan ku dhinteen.

Marxuumka ayaa, sidoo kale qayb ka ahaa waxgarad ku hawllan maamul u samaynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, wuxuuna dhawaan degmadaasi ka furay shir looga hadlay aayo katalinta gobolka iyo hormarin lagu sameeyo garoonka xarunta Hiiraan.

Madaxweynaaha Somalia ayaa tacsi kadiray geerida marxuumka, wuxuuna ALLE uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM