UN: 50 kun oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa khatar ku jira

Image

October 16, 2014 (GO)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in konton kun oo carruur Soomaaliyeed ahi halis ugu jiraan inay macaluul iyo nafaqo darro u geeriyoodaan, hadii sida ugu dhaqsaha badan aan gargaar bini aadamnimo loogu fidin.

Abaar ka jirta Soomaaliya ayaa sii xumeysey xaaladda bini aadamnimada ee horay u jirtey kana dhalatay mudo labaatan sano ka badan oo dalku xasilooni darro ku jirey.

Ururka Al-shabab oo laga saaray magaalooyin dhowr ah ayaa kahor joogsadey in gargaarka bini aadamnimada la gaarsiiyo qaybo kamid ah dalka.

Xiriiriyaha gargaarka bini aadamnimada  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Philippe Lazzarini  ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah qaado si loo badbaadiyo caruurta Soomaaliyeed.

" waxaa jira in ka badan hal milyan oo qof oo u baahan gargaar bini aadamnimo, dadkaaas waxaa ku jira 250 kun oo carruur ah, kuwaasoo konton kun oo kamid ahi halis ugu jiraan inay dhintaan...ilaa iyo hadana wax gargaar ah looma fidin" Philippe Lazzarini  ayaa yiri.

Inkastoo roobabkii Dayrtu qaybo badan oo dalka ka tirsan ku hooreen, waxaa hadana weli jirta abaar ka taagan deegaano ka tirsan koonfurta iyo gobollada dhexe.

Xigasho: Famagusta Gazette

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM