​UN-ka "Al Shabaab wali Khatar ayay ku tahay amniga Somalia"

Image

Warbixin cusub oo ay QM soo saartey ayaa lagu sheegay in Kooxda Al shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaeda wali khatar ku tahay amniga dalka Somalia.

Hay'adda la soconka Cunaqabataynta QM u qaabilsan Somalia, ayaa xustay in Al shabaab ay lix weerar ku qaadeen hoteelo ku yaallo Muqdishu laga soo billaabao November, 2015 ilaa Bishii June ee sanadkan.

"Inkastoo ay jiraan howlgallo ka dhan ah ragagaxisada Al sahbaab, wali waxaa muuqata in amniga Somalia uusan ahayn mid soo hagaagayo, oo horumar laga sameeyay," Ayaa lagu yiri Warbixinta QM.

Qoraalka oo loo gudbiyay Todobaad hore Golaha Amniga ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay halis muuqata ku tahay xasiloonida, Nabada dalka Somalia iyo guud ahaan gobolka geeska Africa.

Hay'adda la soconka Cunaqabataynta QM u qaabilsan Somalia waxay sidoo kale sheegtay in Al shabaab ay casriyaysay weeraradeeda, islamarkaana ay awoodo inay weeraro ka geysato dalalka ciidanka ugu yaboohay howlgalka AMISOM.

Kadib weerarkii lagu qarxiyay Diyaaradii Daallo Bishii February, 2016, QM ayaa ka digtay in Al Shabaab ay weeraradooda u weeciyaan dhanka Diyaaradaha isaga kala goosho dalalka gobolka Geeska Africa.

Inkastoo Al Shabaab laga saarey dhowr magaalooyin muhiim u ahaa, oo kamid ah Muqdishu wixii ka danbeeyay 2011, waxay wali fulinayaan weeraro ka dhan ah Goobaha dowladda ay maamusho iyo fariisamaha AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM