UNHCR oo diwaangalin ku bilowdey qaxootiga Somalida ee xerada Dhadhaab.

Image

KENYADowlada Kenya ayaa rabta iney ka hesho xog rasmiya qaxootiga runta ah iyo kuwa sharci darada ah ee ku nool xerada Dhadhaab. Qoyska dib u noqonaya waxaa loo sheegey in la siinayo Sh200,000 iyo gadiid qaada oo lacag la'aan ah.

Hay'ada qaxootiga aduunka ayaa bilowdey iney kala saarto dadka u dhashey dalka Kenya iyo Somalida kasoo baxsatey dagaalada ka socda dalkooda. 

Tiro aan la aqoon oo dadka u dhashey dalka Kenya ayaa iska-diwaan galiyey xerada qaxootiga Dhadhaab kuwasoo ka qaata mucaawinada hay'adaha caalamiga ah ugu deeqaan dadkaan kasoo cararey dagaalada Somaliya.

Afhayeen u hadley hay'ada qaxootiga caalamiga ah 'UNHCR' Duke Mwancha ayaa sheegey in ilaa iminka laga heley xeryaha qaxootiga Dhadhaab dad aan u dhalan wadanka Somaliya oo gaaraya 16000 halka 14000 dib si xoriyadooda ah ugu noqdeen gudaha Somaliya.

Warka dib u noqoshada qaxootiga Somalida ayaa sheegaya iney kala aadayaan magaalooyinka Kismayo, Luuq iyo Baydhabo.

Dadkaan dib u noqonaya ayaa la siiyey xog sheegeysa goobaha ay dib ugu noqon karaan iyadoo dhowaan Wasiirada arimaha dibadda Kenya sheegtey in dowladeeda ka go'an tahay xirida xerada Dhadhaab balse dib u celinta dadka noqoneyso mid bini'aadnimada waafaqsan.

Dowlada Somaliya, Kenya iyo hay'ada qaxootiga aduunka ayaa 2013 wada saxiixdey heshiis Sadex geesood ah kaasoo sheegaya in kawada shaqeeyaan dib u noqoshada qaxootigaan iyo in amniga ka jira goobaha la geynayo noqonaya mid la hubiyo.

Dowlada Kenya ayaa sheegtey in qaxooti gaaraya 150,000 qof dib ugu noqnayaan Somaliya marka la gaaro dabayaqada bisha December ee sanadkaan 2016.

Dib u celinta qaxootiga Somalida ee ku nool xeryaha qaxootiga ay ugu weyn tahay Dhadhaab ayaa kharashka ku baxaya waxaa uu gaaraya Sh20billion lacagta Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM