Ururka Ahlu Sunna oo xirey idaacadda Galguduud

Image

May 18, 2015 (GO)- Maamulka Ahlu Sunna ayaa xabsiga u taxaabey qaar kamid ah hawl-wadeenada Radio Galguduud oo ah idaacad maxalli ah oo laga dhegeysto deegaanno ka tirsan gobollada dhexe.

Cabdiqaadir Guure oo ah aagaasime ku-xigeenka idaacaddaas ayaa looga yeeray saldhigga booliska Guriceel kadibna la xirey sida uu VOA u sheegay agaasimaha idaacadda Cabdifataax Xasan Faarax.

Cabdifataax oo la weydiiyey sababta arintan ka dambeysa wuxuu sheegay in maamulka idaacaddu ka dhega adaygeen fulinta amarro dhowaan uga yimid dhanka Ahlu Suna, kuwaasoo ay kamid yihiin:

  1. In aan la baahin karin wararka ku saabsan shirka Cadaado ka socda.
  2. Inaan la baahin karin wararka ku saabsan Dowladda Federaalka.
  3. Iyo in aan la baahin karin idaacadaha ka dhex hadla FM-yada Somalia, sida BBC iyo VOA.

Ururka saxafiyiinta NUSOJ ayaa cambaareeyey falkan kuna tilmaamey mid xadgudub ku ah madax bannaanida saxaafadda.

NUSOJ ayaa sidoo kale ugu baaqey maamulka Ahlu Sunna in dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo wariye Cabdiqaadir Guure.

Ahlu Sunna oo qayb ka ah saxiixeyaasha shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa kamid ah dhinacyada saluugsan qaabka shirka Cadaado u socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM