Ururka Al-Shabaab oo laga saarey tuulooyin ay go'doomiyeen

Image

TAYIGLOW Jan 23,2015 [GO]- Ciidamada Soomaaliya oo iskaashi ka helaya kuwa  midowga Afrika ee AMISOM ayaa qabsaday ilaa saddex tuulo oo ku dhow degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia.

Buulo-jadiid, Buulo-Yuusuf iyo  Ceel-jarmeed oo hoostaga Tiyeeglow ayaa ciidamadu ka qabsadeen kooxda Al-shabaab, sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Maxamed Foodcade.

Foodcade ayaa intaas ku daray in uusan khasaare ka dhalan howl-galka ay ku qabsadeen deegaanadaas oo ku tilmaamay kuwa muhiim ah in ay soo galaan gacanta dowladda, maadama gargaar u baahan yihiin dadka degani.

"Dowladdu waxay sugaysaa nabadgelyada meelaha ay ka qabsatay Al-shabaab", ayuu yiri gudoomiye Foodcade

Kooxda Al-shabaab kama aysan hadlin howlgalka ciidamada dowladda  iyo kuwa AMISOM ku sheegtay in dhul ku qabsatay, waxaase xusid mudan in deeganadaas ku jireen gacanta ururkaan oo weliba ay go'doonsanaayeen. Halkan ka dhageyso 

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM