USA iyo UN oo soo dhoweeyey dhismaha xukuumadda Federaalka

Image

January 29, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysey magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee labo maalmood kahor Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke soo dhisey.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wakiilka USA u jooga Soomaaliya James P. McAnulty ayaa lagu sheegay in Dowlada Maraykanku soo dhoweyneyso dhismaha xukuumada una aragto tallaabo muhiim ah oo horey loo qaadey.

"Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa dawlada cusub ee lagu dhawaaqay. Arintani waa talaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhismaha dawlad cusub oo gudata masuuliyada ka saaran sidii loo heli lahaa sugida nabadgelyada, dawladwanaaga, iyo aminga ilaa inta laga gaarayo 2016. Hada waxaa la joogaa waqtigii dhinac layska dhigi lahaa arimaha siyaasada loona soo jeensan lahaa sidii diirada loo saari lahaa danta qaranka" war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska James ayaa sidaas lagu yiri.

Si taas la mid ah waxaa dhismaha xukuumadda usoo dhoweeyey Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, isagoo sheegay inay muhiim tahay in xukuuamdda deg deg loo ansixiyo si howlaha dhiman si dhaqso ah loogu dhameystiro.

“Marka la ansaxiyo, Dowladda Federaalku waxay u baahnaan doontaa inay si degdeg ah wax uga qabato ujeeddooyinka dowlad dhisidda iyo nabadaynta ee ay Soomaaliya hiigsanayso. Wax badan baa weli haray in la qabto si loo dhammeystiro Aragtida 2016 ee Soomaaliya. Baarlamaanka Federaalka wuxuu leeyahay kaalin muhim ah oo degdeg ah oo uu ka cayaaro ansixinta xeerar muhim ah iyo dhisidda guddiya madaxabanaan ee weli haray sida ku qoran dastuurka ku-meelgaarka, gaar ahaan Guddiga Qaran ee Doorashada ee Madaxabanaan. Waxaa maalmaha iyo bilaha soo socda loo baahnaan doonaa jawi isutanaasulid iyo dibuheshiisiineed. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dowlad dhisidda iyo nabadaynta Soomaaliya.”  Danjire Kay ayaa sidaas yiri.

Xukuumada cusub oo ka kooban labaatan wasiir oo u badan shaqsiyaad ku cusub saaxada siyaada Soomaaliya, waxaa la filayaa in Barlamanka la horkeeno todobaadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM