USA: shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo berri dib loo furayo

Image

February 28, 2015 (GO)- Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay dib u shaqo bilaabaan shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala dalka Maraykanka.

Cabdicasiis Sugule oo ah guddoomiyaha urur ay ku bahoobeen xawaaladuhu oo la yiraahdo SAMSA ayaa sheegay in si rasmi ah berri shaqadu furmi doonto.

Bankiga Merchants oo ah midka ugu weyn ee xawaaladaha Soomaalidu lacagaha dhigtaan ayaa bishan horraanteedii shaaciyey inuu xiri doono dhammaan akoonada shirkada ka shaqeeya dirista lacagaha.

Go'aanka Merchants wuxuu salka ku hayey walaaca laga qabo in lacagaha Soomaaliya loo dirayaa ku dhacaan gacmo khaldan loona adeegsado taageerista kooxaha xagjirka ah gaar ahaan ururka Al-shabaab.

Malaayiin doollar ayaa bil kasta Soomaaliya dibadaha looga soo diraa, lacagtaasoo badankeedu ka timaadda dalalka Yurub iyo Maraykanka waxay qeyb weyn ka qaadataa koboca dhaqaalaha maxalliga ah.

Tobannaan kun oo qoys oo Soomaali ah ayaa si toos ah ugu tiirsan taageerada dhaqaale ee ay ka helaan eheladooda ku nool qurbaha, waxaana joojinta shaqada xawaaladaha Soomaalidu ciriiri gelisey nolosha dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM