Wabiga Jubba oo fatahaad sameeyay

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ee dalka Somalia ayaa laga soo sheegayaa cabasho ku aadan fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in fatahaadu saamaysay Beeralayda, iyagoo xusay in dhammaan dalagii u beernaa iyo matooradii kala tageen Biyaha wabiga.

Xaaladda oo ka sii darta ayay bulshadu ka digtay hadii aan wax laga qaban.

Falkan ayaa imaanaya xilli uu jiro baaqyo ku aadan sidii looga hortagi lahaa duufaanta El nino. 

Isniintii aynu soo dhaafnay Afar Carruura ayaa ku dhintay Roobab ka da’ay deegaanka Malmalkuus oo hoostaga degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM