Wabiga Shabeele oo ku fatahay degmada Beledweyn

Image

October 28, 2014 (GO)- Webiga Shabeela ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Boqollaal qoys ayaa ka cararay xaafadaha biyaha webigu gaareen, dadkaasoo badankoodu u barakacay tuulada Ceel Jaalle ee ku taalla duleedka Beledweyn. 

Xaafadaha webigu si aadka ah ugu fatahay waxaa kamid ah Raadeerka iyo Xaawo Taako.Khaasre maaliyadeed oo badan ayaa ka dhashay fatahaada  maadaama biyuhu waxeeylo u geysteen tobanaan guri iyo goobo ganacsi oo yaryar.

Maamulka degmada Beledweyn ayaa wada dadaallo ku aadan sidii loo xiri lahaa meelaha biyaha webigu kasoo jabeen si loo yareeyo khasaaraha. 

Roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'ayey qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa sababay in heerka biyaha webiga Shabeele kor u kaco. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM