Wabiga Shabelle oo fatahaad ka sameeyey degmada Mahadaay

Image

17 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabellada dhexe ayaa sheegaya in Roobab lixaad leh oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’yey degmada sababeen  fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Mahadaay Ciidle Warsame Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Roobabku saamayn ku yeesheen isu socodka gaadiidka, isla markaana Wabigu fatahaada ka sameeyey dhowr meelood.

In ka badan 70 gaari oo nuuca xamuulka qaada ayaa goobaha fatahaadu saamaysay ku xaniban, iyagoo  kusii jeeday gobollada dhexe ee Somalia.

Ilaa hadda majirto khasaaro fatahaadu gaysatay marka laga reebo xayiraada dhanka isusocodka.

Degmooyinka ay maraan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaa ka socday diyaar garow xoogleh, ka dib warbixin sheegtay inay dhici karto duufaanta El nino.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM