Wada hadal dhexmaray dowlada Federaalka iyo Jubbaland

Image

30 Augusto, 2015 (GO)-Waxaa booqasho hal maalin ah ku tagay magalada Kismayo wafdi uu hogaminayo Ra'isal wasaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake waxayna kulamo kala duwan la yeesheen madaxda maamulkaasi.

Kulan dhexmaray Ra'isal wasare Sharmake iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa looga hadlay xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira DFS iyo maamulka Jubbaland ee ka dhashay barlamanka.

Madaxweynaha Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay Kismayo ayaa sheegey in booqashadan ay ahayd mid kooban balse lahayd muhiimad badan, waxa uu xusay inay ka wada hadleen soo afjaridda mad-madowga jira iyo qancinta cidda sheeganaysa tabashooyinka ee dhanka barlamanka Jubbaland.

"Waxa laga wada halayay guud ahaan waxay ahayd xaaladda Somalia iyo tan gobalka, iyo arimo kale oo aan isla qaadanay kuwaasi oo aan u arkaynay in horey looga sii dhaqaajin karo xaaladda Somalia, waxaan isla qadanay inaan xallino cidka oo tabasho sheganaysa taasi oo aan u saarnay guddiyo labada dhinac ah kuwaasi oo ka wada hadlaya qaabka lagu xallin karo wixii jira"Ayuu Axmed Madoobe.

DFS ayuu madaxweynaha Jubbaland ka codsaday inay ka yareyaan buuq uu sheegay inuu uga imaanayaan dhanka Federaalka.

Ra'isal wasaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo arimaha ay ka wada hadleen maamulka Jubbaland,waxaana uu tilmaamey inay Kismayo imaan doonaan guddiyo ay magacowday DFS kuwasi ka qayb qaadan doono xallinta khilaafka ka dhex jira DFS iyo Jubbaland.

Hiigsiga 2016 mar uu ka hadlayay waxa uu sheegay inuu door weyn ka qaadan doonaan maamulada dhismay sida Puntland iyo Jubbaland wadatashiyada laga sameyn doono qaabkii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Ra'isal wasaraha iyo wafdigiisa ayaa maanta dib ugu laabtey magalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM