Wadanka Ingriiska oo ciidamo u diraya dalka Somalia

Image

Britain ayaa lagu wadaa in ciidamo ka badan 300 oo askari ay u dirto waddamada Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ee waddamadaasi.

Inta badan ciidamadaasi waxa la geynayaa Koonfurta Suudaan si ay tababar dagaal iyo talo dhanka farsamada ah u siiyaan ciidamada Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo 70 askari oo ciidamadaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in ciidamadaasi ka socda dalkiisa ay waddamadani ka caawin doonaan yareynta argagixisada iyo tahriibka.

Xigasho: BBC

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM