Wadanka Kenya oo caddeymo badda ah gudbiyey

Image

23 October, 2015(VOA)- Dowlada Kenya ayaa Guddiga Xadaynta Qalfoofka Badda ee QM u gudbisay caddymo la xariira muranka xuduudda dhinaca badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. 

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in caddeymahan oo uu xeer ilaaliyaha qaranka Kenya Githu Muigai u gudbiyey guddigan fadhigiisu yahay magaalada New York, ay yihiin xog la ururiyey toddbadii sano ee tagtay.

Dowladda Kenya waxa ay dooneysaa in xadka badda uu ahaado sida ay ayada u dooneyso oo ah in calaamadda xadka loo soo qalloociyo dhinaca Soomaaliya, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Kenya waxa ay horey u sheegtay inaysan sax ahayn dacwadda ay Soomaaliya u gubisay maxakamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, waxayna dooneysaa in arrintan lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamadda.

Wargeyska iyo warbixinta uu qorey ayaa Sahra Cabdi Axmed waxaa ay ka wareysatey wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Yaasiin Ciise Wardheere, si faahfaahin uu uga bixiyo arrintan.

VOA

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM