Wafdi ka socda IGAD oo Garowe soo gaaray

Image

October 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Ururka IGAD u qaabilsan Somalia Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Ujeedka wafdigani Garowe usoo gaareen ayaa ah sidii uga qayb geli lahaayeen saxiixa heshiiska hordhaca ah ee Puntland iyo Dowlada Federaalku ka gaareen khilaafkii mudada dheer ka dhex jiray.

Wasiirka Deegaanka Guuleed Saalax Barre iyo masuuliyiin kale ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, waxana intaas kadib loo gudbiyay goobta loo diyaarshay inay magaalada Garowe ka degaan.

Wada-xaajoodka labada dhinac ayaa wali socda waxana lagu wadaa saacadaha soo socda in afgarad laga gaaro qodobo dhowr ah oo labada dhinac weli ka doodayaan.

Masuul ka gaabsaday magaciisa inaan shaacino ayaa warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay badi qodobada la isku hayo in lagu heshiiyay haseyeeshee aan la saadaalin karin qodobo ay ka mid yihiin shidaal baarista Puntland iyo dhismaha aqalka sare sida loogu heshiin doono.

Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nichalos Kay ayaa galabta kusoo wajahan magaalo madaxda Puntland ee Garowe si ay goob joog uga noqdaan saxiixa heshiiska Puntland iyo Dowlada Federaalka.

Dhowr jeer oo hore ayay Puntland iyo Federaalku heshiiyeen balse ma noqon heshiisyadaasi kuwa lagu dhaqmo.

Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed iyo Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa goor hore oo maanta ah u ambabaxay magaalada Qardho halkaasoo uu Boqor Burhaan casumaad ugu fidiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM