Wafdi nabadeed oo Gaaray Beledweyne

Image

Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dagaal beeleed uu ka socdo.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, xildhibaanno iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Cabdikariim Guuleed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegaya in safarkoodu la xiriiro dejinta colaadda beeleed ee maalmahan ka jirtay magaalada, waxaana beelaha dagaalamaya uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan.

Ayada oo wafdigan uu ku sugan yahay Beledweyne, ayaa waxaa mar kale maanta dib u qarxay dagaalkii ka socda xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee u dhaxeeya labada beelood, kaasi oo galay maalintii saddexaad.

Dagaalladan ayaa waxaa illaa iyo iminka ku nafwaayey in ka badan 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50 qof oo kale.

Warbixintan waxaa magaalada Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM