Kulan looga hadlayo hanaanka doorashada Somalia oo furmey

Image
Image
Image
Image

19 September, 2015(GO)- Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka wadatashiga hannaanka doorashada Soomaaliya ee sannadka danbe.

Kulanka maanta oo goob joog ahaayeen madaxda beesha caalamka ayaa ka dhacey xarunta Villa Somalia kaasoo gogol xaar u ahaa kulan balaaran oo looga arinsan doono hanaanka doorashada Somalia u dhaceyso. 

Wasiirka warfaafinta oo saxaafada la hadley ayaa sheegey hanaan wada-tashi qaran oo looga tashanayo mustaqbalka Somalia ka dhici doono gudaha Somalia. 

“Xubnihii shirka ka qayb-galay waxay isku af-garteen in wada-tashiga qaran laga qayb-galiyo bulshada Somaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa, kuwasoo ka mid yihiin; Haweenka, Dhalinyarada, Odoy-dhaqamedyada iyo Warbahinta si qorshaha uu u noqdo mid Somaalidu leedahay, ayna hoggaaminayaan; beesha caalamkuna ay ka noqoto fududeeye,” ayuu yiri wasiir Maareeye. 

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegey in marka wadatashigaan dhamaado qodobada kasoo baxa la horgeyn doono golaha wadatshiga qaran oo la dhisi doono iyo labada gole ee dowlada Somalia.

Wadatashigaan ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah soo xirmo iyadoo la filayo in qoraal warmurtiyeed laga soo saari doono.

Dawladda Somalia ayaa horey meesha uga saartay suurtagalnimda doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda dalka Somalia sannadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM