WARBIXIN: Shirka wadatashiga Somalia oo bur bur qarka u saaran

Image

MUQDISHU Dec 15, 2015 (GO)- Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in kulamadii gooni goonida ahaa ee u dhexeeyey madaxda Somalida iyo beesha caalamka qarka u saaran yahay bur-bur kadib markii la isku raaci waayey qaabka loo soo xulayo xildhibanada Barlamanka 2016.

Garowe Online ayaa ogaadey in ergada Puntland ee uu hogaaminayo madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas qorsheyneyso iney kasoo ambabaxdo magaalada Muqdishu 24 saac ee socda halka madaxweynaha Koonfur Galbeed u amababaxey magaalada Baydhabo sababo aan la shaacin.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kamid noqdey ergo nabadeed oo safar ku gaartey magaalada Baladweyne halkaasoo dagaalo sokeeye ka socdeen maalmihii la soo dhaafey.

Xogogaal la hadley Garowe online ayaa sheegey in diirada kulamada malamihii la soo dhaafey saarneyd sidii loo qancin lahaa ama looga raarida lahaa Puntland iyo Jubaland nidaamyada ay dabada ka riixayaan madaxda Federaalka iyo beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in soo jeedintii ugu dambeysay oo maanta loo soo bandhigey wafdiyada Puntland iyo Jubaland ay aheyd in aqal sare ee Barlaman la dhiso kaaoso laga soo xulayo degmooyinka dalka halka Barlamanka Federaalka tiradiisa laga dhigayo 225 xubnood kaasoo lagu xulayo 4.5.

Warsidaha Garowe online ayaa ogaadey dhinaca kale in soo jeedintaan ugu dambeysay socon waydey kadib markii wax la iska waydiiyey sharciyada ay cuskanayo qodobkaan halka Barlamanka Federaalka ee hadda jira uusan ogolaaneyn ansaxinta in tiradiisa la dhimo marka qodobkaan la waafajinayo Dastuurka hadda jira.

Ergooyinka Jubaland iyo Puntland ayaa sheegey iney adagtahay hirgalinta qodob aan sharci aheyn iyadoo lagu guurayo sharcida wadanka u taala taasoo ah in nidaamka hada jira ee 4.5 marka uu dhamaado waqtigaan dowlada hadda jirta lagu soo xulo Barlamanka Federaalka ee soo socda nidaamka degmooyinka.

Ugu dambeybtii xogtaan ayaa sheegeysa in madaxda maamulada Somalia ay beesha caalamka ka ocdsaneyso iney saxiixaaan ogolaansho ah in wadahadlka geedi socodka 2016 sii socon doono marka Muqdishu lagu soo kala tago.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM