Xarunta Universal TV Muqdishu iyo wariyaal la xiray [Dhagayso]

Image

03 September, 2015(GO)-Amar ka soo baxay laamaha ammaanka Muqdishu ayaa lagu xiray xarunta TV-ga Universal qaybta Muqdishu iyadoo sidoo kale la xiray Agaasimaha Bariga Africa iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Telefishinka ku hadla Afka Somaliga.

Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga Cawil Daahir Salaad ayaa lagu xirey xarunta nabadsugida magaalada Muqdishu lamana caddayn sababta rasmiga ah ee xarigaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xarigga wariyaasha iyo Xarunta TV-ga ee Xamar uu ka dhashay barnaamij lagu magacaabo dood wadaag oo ka baxay Universal khamiistii la soo dhaafay [Halkan ka Daawo], kaasi oo ay marti ku ahaayeen xildhibaano ka tirsan DFS oo si qoto dheer ugu hadlay marxaladda Somalia iyo in dalku ku jiro gumeysi, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo Xildhibaanada dowladduna yihiin kuwo magac u yaal ah.

Xarigga wariyaasha ka hor ayaa looga yeeray xarunta nabad sugidda iyadoo aan loo sheegin eedaha loo haysto, balse markii dambe laga war helay inay xiranyihiin ka dibna amar lagu bixiyay inaysan shaqaynta xarunta ay ku leeyahay Muqdishu sida uu VOA-da u sheega madaxa wararka iyo barnaamijyada Maxamed Axmed Xaaji "Cag-madhige" .

Arrintan, waxaa cambaareeyay ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ, maamulka iyo shaqaalaha Universal TV, waxayna codsadeen in xoriyadda wariyaasha dib loogu celiyo isla markaana la ilaaliyo xuquuqdooda.

Dowladda Somalia wali kama aysan hadlin xarigga wariyaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM