Wariyaasha Universal ka xirnaa oo la sii daayay [Dhagayso]

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta xoriyadoodii dib u helay wariyaasha Universal ee dowladda Somalia u xirnaa muddo dhan shan cisho.

Sii daynta Agaasimaha Bariga Africa ee TV-ga Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo wariye Cawil Daahir ayaa timi ka dib codsi ka yimi Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo xeer ilaaliyaha guud ka codsaday in arrinka xarigga lagu dhammeeyo wadahadal.

Waraysi ay siiyeen VOA-da labadaasi wariye ayay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin sii dayntooda, iyagoo xusay in si wanaagsan loola dhaqmay intay xabsiga ku jireen, balse ay dareemayeen xoriyad darro.

Xarunta Universal ku leeyahay magalada Muqdishu ayaa sidoo kale la fasaxay, waxaana falkani yimi ka dib barnaamij todobaadkii hore looga hadlay arrimo la xiriira xaaladda Somalia.

Dowladda ayaa horray u sheegtay in TV-gu baahiyay warar been abuur ah.

Xarigga wariyaasha waxaa ka hadlay mas'uuliyiin, ururo u dooda wariyaasha iyo bulshada qaybahooda kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM