Cabisalaam Hareeri oo ka hadlay geerida Wariye Cawke [Dhagayso]

Image

17 November, 2015(GO)-Allaha u naxariiistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa waabarigii hore ee saaka ku geeriyooday magalada Jig-jiga ee xarunta ismaamulka Somalida Ethopia, siday xaqiijisay gabadha kaliya ee walaalaha yihiin Canab Xasan oo sheegtay inuu la soo hadlay xilli dambe xalay  oo u sheegay inay neeftu haysto ka dibna geeridiisa loo soo sheegay.

Wariye Cabisalaam Hareeri oo haantan ku sugan magalada Wajaale ku sugan ayaa Radio Garowe uga warmay taariikh nololeedkiisa maadama ka soo wada shaqeeyeen meelo badan.

Wariye Cawke oo da'a ahaan jiray qiyaastii 72 sano ayaa ifka uga tagay 6 caruur ah,iyo hal xaas wuxuuna ku dhashay magalada Wajaale isagoo waxbarashada dugsiga sare ka baxay Camuud maglada Boorama.

Axmed Xasan Cawke oo caan ka noqday geyiga Somalidu dagto, wuxuuna markii u horaysay ka shaqo bilaabay Radio Muqdishu 1972-dii, kadiba wuxuu la shaqeeyay Telifishankii Somalia, isagoo markii dambe noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii dalka.

Wuxuu sidoo kale ku biiray laanta Afka Somaliga ee BBC-da sanadkii 1996-2007-dii, isagoo si weyn loogu yaqiinay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.

Laanta Afka Somaliga ee VOA iyo telefishinka Universal ayuu la soo shaqeeyay Wariye Cawke ALLAHA u naxariistee. 

Maydkiisa ayaa lagu aasi doonaa magalada Hargaysa caasumadda Somaliland

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM